fadlan booqo meeshaan!!!

boga hore qorshaha  israac  israac group akhri waxqabadka hada ee israac dadaalkeda dhalinta israac waxbarashada qardho wax soo saarka qardho caafimaadka qardho sawirada waxbarashada sawirada wax soosaarka nadaafada qardho sawirada bilicda qardho sawirada dhaqanka qardho dugsiyada/iskulada shirarka israac qardho wararka oo kooban israac Guest Book Contact

what you mean to me - and you mean everything. You are my theme for a dream. I have had the time of my life and I owe it all to you. And, of course, your intelligence, 'cause you were smart enough to fall in love with me. ;-)

kubo waa meel daaqsinka ku wanaagsan iyo dalxiiska in lagu damashaado, Kubo waxay ku taal geeska Magaalada Qardho balse waxay ka mid tahay Magaalada Qardho.

Waxay ledahay jawi aad u degan waana meesha keliya ee xiliyada Xagaaga aan dabeylaha laheyn madama u dhulku yahay dhir Cagaar ah oo indhaha soo jidanaya, waxaa kaloo ku yaal barkado iyo harooyin ay biyuhu ku hirtan waqtiyada roobabka ay jiraan waxaa jira dad u soo aada in ay ku dabashaan oo ay ku damashadaan. Inta badan waxaa lagu qabtaa Xafladaha Aroosyada,Shirarka,Casumadaha,So dhaweynta,iyo Munasabada.

Waa isha keliya ee losoo dalxiis tago dad badan ayaa kaga yimada bosaaso oo waqtiga kuleylaha u Yimaada in ay ku qabowsadaan oo ay dhaxantaas sexdaan.

Indhaha ayey qarkood ku nuursadaan oo waxay u soo aadan indho nuursi iyo damashaad waxaa jira dad kale oo ayagu duhurkii marka ay jirto kaliil xun u yimaada in ay ku qadeyaan ayaga oo usoo qata xasiigyo iyo alaabti ay ku qadeylahayeen.

Aniga qudheyda hadii aan isbuuci labo ama hal mar aan tagin waxan dareema jawi xun oo subaxdii aroorti waxaan u adaa in aan indhaha ku nuursado.

dad badan ayaa hamiga ku haya in ay yimadaan qaar qardho hada ila jooga iyo kuwo kale oo ayagu dibadaha jooga ayaa waxay leyihin mar qura maan tago qardho.

Markii aan ka hadlayno Beeraha kubo waxaad daremi kadhaa jeclanshaha waqtigaan ee Soomaalida in aay bartaan dhulkooda oo qarkood muddo dheer ugu dambeysay, dhulka hooyo waa lagama marmaan hadii aad muddo ka maqan tahay ayaad dareemi kartaa macaanka u leyahay.

Sawiradaan bilicdasan waa Daaqsinka Kubo ama sida aad u garaneysaan Berahii Kubo oo markii aad dhax gasho aad ka heli karto qudaarta noocyadeeda kala duwan sida; liinta,cambaha,babayga,qaraha,saytuunka, iyo Qudaarta noocyadeeda kale duwan.

Dhir dhadheer oo badan ayaa ku yaal Keynta kubo Degaanka Kubo waa Keymo halis ah waxaa Xiliyada dambe ee habeenkii qaraab u soo doonta xayawano fara badan oo halis ah sida Dhurwaaga,dawacada, iyo Dumad Duhureedka oo ayagu ah Xayawaano halis ah waxayna waqtiyada dambe habeenkii raad raadshan nolal malmeedkooda ayagoo malinkii aan kasoo bixin keymaha fog-fog.

Waxaa jira rag waqtiyada dambe ee habeenkii qaraabta ayagoo ugaarsada Sagaarada oo ay shegaan in ay cafimaad u tahay naftooda, waxayna inta badan ka raadshan daawo, Ugaarsatada Xiliyada Habeenkii waxay wataan Tooshash waweyn iyo qoryo mana seexdan ilaa ay Ugaarsadaan Xayawaanka.

Ugaarsigu waxa u ka mid yahay dhaqanka Soomaalida waana soo jireen hadaba nin Magaciisa igu shegay Warsame Cali Bulbul wuxuu ku nux-nuxsaday in ay sagaarada ay qarkood gadaan waxaana lacag ku baxsha dadka u bahan in ay cunaan.

Isku soo wada duubo kubo waxaa ku yaal beero fara badan oo mid walba u qof shaqsi ah leyahay, dadku beeraha way kala otaan oo ma ogola in qof kale ay beerta wadaag noqoto.

waxay ka celiyaan ariga iyo fardaha, dadka markaan wareysiyo la yeshey waxay si weyn kaga cabanayaan fardaha iyo damberaha, dameraha waxay u dhacaan ooda waxayna dusha ka maraan dhirta ayagoo si xasidnimo leh dhirta u cunaya.

hadaba Maxamed Cade oo ah Mulkiilaha beer ku taal kubo ayaa wuxuu cabasho ka mujinayaa dameeraha wuxuna sheegay dadka leh in ay iska soo dayaan oo ay kusoo fasaxaan beeraha ayago oo aan damerahooda wardiyeyneyn.

Markii aan tagay beeraha oo aan wareysiyada la yeeshay beeraleyda waxaan la kulmey sheekoyin qosol miran ah hadii aad qarkiin maqli laheydeen waad yabi laheydeen, beeraleydu waa dadka ugu qosolka badan dadka waxayna inta badan la kulmaan sheekoyin cajiib ah oo marka ay arkaan waxay kaga shekeyaan dadka kale.

Ilaalada beeraha waa dhib aad u badan oo nolal adag ah Cade wuxu i shegay in Subaxdii 7:00 u yimaado kana tago habeenkii 6:30 taasina waa nolal aad u adag oo aan lagu Nolan Karin wuxuu shegay in labo waqti qura u wax cuno asagoo reerkiisa ay aad ugu fog yihiin. Wuxuu ku nuxnuxsaday in dadku ay u yimadaan in ay dawadaan oo ay indhaha ku nuursadaan keliya ee aysan eegin nolasha dhabta ah ee halkaan taal.

Buuro dhadheer ayey ledahay kubo waxayna kala ledahay labo qeybood kubo sare iyo kubo dhexe waxayna isku jiraan misaafo badan waxaadna u kala socon kartaa ilaa iyo 15 daqiiqo, ilaa inta aad socoto wax aan aheyn Xoolo iyo dhir mooye wax kale oo dhibaato ah kuma arkeysid waxaana mamnuuc ka ah qashinka in lagu shubo beeraha qofkii arrinkaasi lagu arko sharciga ayaa wax ka qabta mana jirto ciidan ama ilaalo wardiyeeya beeraha, inkastoo qof walba u beertiisa ilashanayo hadana beeraleydu wax baqdin ah ma qabto.

photo
photo
Beeraha KUBO

photo

Dhireynta

photo

Suuqa Caanaha

,

"

waa magaalada qardho

 

 

 

 -