ururka israac

boga hore qorshaha  israac  israac group akhri waxqabadka hada ee israac dadaalkeda dhalinta israac waxbarashada qardho wax soo saarka qardho caafimaadka qardho sawirada waxbarashada sawirada wax soosaarka nadaafada qardho sawirada bilicda qardho sawirada dhaqanka qardho dugsiyada/iskulada shirarka israac qardho wararka oo kooban israac Guest Book Contact

waa maxay molosha dhabta ah ee qardho

 

 isku duubni waa daawo kala daasanaan waa darxumo

 

hanaanka qardho

 qardho  waa magaaloo

qaadir  uu abuuroo  

qurux lagu minaystee

qararkeeda kala rogan

qoobkii fardood iyo

qaalinkii lo.aad iyo

qurbicii nirgood iyo

qurac iyo galool kiyo 

qudaar cayiinba cayaynoo  

qac markaad ka siisana

qalbigu kuu qaboobana

qardhaa laga helaayaa

qarniga maanta joogiyo

qaababkii la.soo maray

qardho  waa la.socotaa

qoys qoys lasheegiyo

qabiilkaan naquutayba

qardho waa ka xaaran

qaran weeye wada siman

qilaaf aan lahayiinoo

qaadir uu gargaaree

AAmin 

 

what is the kiss?

Kheyrka waa kalimo balaadhan loona adeegsado shaqo ama camal uu

qofka qabta ujeedadiisuna tahay inuu Allah xagiisa ugu dhawaado.
Hadii uu qofku qabto wax wanaagsan oo kheyr ah hase yeeshee ay
meeshu kamaran tahay ujeedada ah Allah dartii iyo ikhlaas lama oran
karo camalkaasi ama shaqadaasi waa camal kheyr ah haba noqdee mid ay
diintu amaantay, waxaa hadaba halkaas kaaga iftiimaya in qofka
kheyrka samaynaya uu hadafkiisa ugu horeeya noqdo allah dartii iyo
in uu ku gaaro raali ahaanshaha Allaha weyn.


Waxaa inbadan in la isweydiiyo mudan maxaa qofka ku kallifi kara in
uu qabto ama u adeego howl kheyr ah oo laga yaabo inuu kala kulmo
dhibaatooyin iyo tacab fara badan? Hadaba waxaan halkaan si kooban u
tilmaami doonaa waxyaabaha qofka ku kallifi kara inuu wanaag
usameeyoo dad kale.

1. In aad tahay qof naxariis qalbigiisa lagu beeray.

Qalbiga waa meesha laga xukumo jirka loogana taliyo howlaha ay
xubnuhu qabtaan. Qofka qalbigiisa uu Allah galiyo naxariis iyo
danqasho waa qofka ay niyadiisu ku soo dhacayso inuu qof kale oo
walaalkii ah ee baahan waxtaro-

2 In aad tahay qof dareemaya masuuliyad

Marka aad tahay qof dareemaya in umadiisa, diintiisa iyo dalkiisa u
baahan yihiin ahna qof wax tari kara naftiisa iyo dadkale, arintaas
waxay kugu dhalinaysaa in aad kheyrka udegdegtid. Su'aalaha qofka
mas'uuliyadda dareemaya uu isweydiinayana isla markaana u
fududeynaya inuu khayrka ka qeyb qaato waxaa kamida inuu is
yiraahdo. Soo matihid qof weyn oo caaqil ah oo wax tar u leh
bulshadiisa? Ma waxaad u nooshahay inaad wax cuntid oo cabtid
kaliya, deedna seexatid? Maya, arinkaas waxaa lagu yaqaana
xayawaanka aan caqliga lahayn, Soo muumin qawi ah matihid mise
muumin tabar daran ayaad tahay? Awooduna xoog kaliya maaha, ee
dhinacyo kale ayay soo geli kartaa, sida dhaqaale, cilmi iwm. Hadaba
marka uu qofku sidaa naftiisa ula xisaabtamo waxaa u soo baxaya inuu
yahay qof masuul ah oo ay howl iyo shaqa sugayso ama diyaar u ah
inuu gacan ka geysto. wax kasta oo waxqabad ah oo loo qabanaayo magaalaiisa, bishii waxaad meel dhigi kartaa $20 dollar adigana waa kari kartaa dhulkana  waxbayeey u qabanaysaa 
waxaan rabaa in aan wax yar ka dhoho arinta walaaleheen inoo sheeg oo ah dhaqaale aruuris,  iyo  ficil in la.sameeyo waa run waana wax loobaahan yahay 

QARDHO U DADAAL

fadlan halkaan igala soo xirii