qardho General Hospital.

boga hore qorshaha  israac  israac group akhri waxqabadka hada ee israac dadaalkeda dhalinta israac waxbarashada qardho wax soo saarka qardho caafimaadka qardho sawirada waxbarashada sawirada wax soosaarka nadaafada qardho sawirada bilicda qardho sawirada dhaqanka qardho dugsiyada/iskulada shirarka israac qardho wararka oo kooban israac Guest Book Contact

wax u qaabo dalkaga hooyo



waa sidee cusbitaalka qardho ?

Adeegyadda Caafimaad ee Cusbitaalka Magaaladda Qardho + Sawiro. Qardho General Hospital waa Cusbitaalka guud ee Magaaladda Qardho xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland waxaana Cusbitaalka hawshiisu u socotaa si dardar leh iyadoona ay ka hawgalaan Takhaatiir ajaanib ah kuwaasi oo Qeyb ahaan Bulshada reer Qardhood Adeegyo fiican oo aasaasi ah u haya,Cusbitaalka ayaa sidoo kale waxaa uu ku shaqeeya Qalab casri ah iyadoona Cusbitaalka laga heli karo,Raajooyinka,Computerska Caafimaadka,Laboratory shaybaar casri ah ,Shaqaalaha ka hawlgala Cusbitaalka qardho tiro ahaan waxaa ay gaarayaan 80 shaqaale ah. Agaasimaha Cusbitaalka Magaaladd Qardho Mudane:Nuur Maxamed Nuur ayaa noo sheegay in xiligani Cusbitaalku yahay mid hawshiisa si caadi u wata ayna ka maamul ahaan ku dadaaleen sidii loo keeni lahaa Takhaatiir khibrad durugsan leh oo ka hawgala Cusbitaalka isagoona xusay in Cusbitaalku iminka ku shaqeeyo qalab casri ah , Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xiriir wadashaqayn oo balaaran ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland. Sidoo kale waxaan halkaasi kula kulmay Dr:Abdimawla maxamed Taha oo ah Takhtar masaari ah waana Surgeant Speciallist Takhtarka qaliinka ugu horayntiina wuxuu iiga waramay sida uu Hawshiisa shaqo u wato iyo Adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalka Marka loo eego hawsha Qaliinka ee uu isagu qabto wuxuuna iigu jawaabay "Anigoo ah Dr:Abdil mawla Takhtar qaliinka ah oo ka hawgala Cusbitaalka guud ee Magaaladda Qardho waxaan ka imid Masar anigoo somalia joogay 6 Sano,5ano waxaan joogay Magaaladda Bosaso oo ay hawshaydu ku xirnayd Qardhona hadda sanad baan ka shaqaynayaa runtii Hawshayda qaliinka waa mid aad u taxadar badan marka la eego Badbaadada Qofka runtii marar badan ayaa waxaa dhacda inaan l kulmo dad badan oo Degdega ah ama Amergency habeen iyo maalinba waan shaqeeya xaaladaha caadiga ah ee Amergencyga waan ka gaashamana si aan u hubino xaalada Dhabta ah ee caafimaad ee Shakhsiga aan daaweynayno". Waxaa cusbitaalka jiifay sida idiin muuqata Dad badan oo Bukaan ah kuwaasi oo ay hayaan cuduro kala duwan waxaana Dadkaasi adeegooda Caafimaad gacanta si dhab ah ugu haya Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho(Qardho General Hospital) sidoo kalena waxaa jirta Qeybta TB Centerka Cusbitaalka anigoo gudaha usii galay ayaa Qeybtaasi ahayd qayb aad u qalabaysan oo leh Farmashigi iyo Laboratory Dadka lagaga Qaado candhuufta hadaba si aan xog u ogaado waxaan la kulmay Dr:Cusmaan xuseen cali ah oo ah Madaxa TBda ee Cusbitaalka Qardhood wuxuuna iiga waramay ugu horayntii Adeegyadda Caafimaad ee Xaruntoodu qabato"Qardho TB Center waxaa la furay 24/Maarso/2009 waxaana furay Wasiirka Caafimaadka Dr:Biixi iyadoona ay ka qaybqaateen Hay'adaha Merlin,World Vision iyo WHO iyadoona ay xaruntaan ka kaalmeyan Daawada Merlin oo Implementation ka ah xaruntaan waxa ka shaqeeya 9 Qof xaruntaani ilaa hadda waxay gacanta ku haysaa 75 qof oo ay subax kasta Daawo siiso" ayaa uu yiri Dr:Cusmaan Xuseen cali. dadka ka soo jeeda qardho ayaa laga sugayaa in dadaal sameeyaan

hormarka qardho

Adeegyadda Caafimaad ee Cusbitaalka Magaaladda Qardho + Sawiro.

(Qardho Oct  03,  2009 xagar Online)


Magaaladda Qardho waxa ay leedahay hal cusbitaal oo kulmiya Adeegyadda Dadweynaha ee la xiriira Arrimaha Caafimaadka,Cusbitaalku waxaa uu ka koobanyahay Qeybo kala duwan sida,Laboratory(Shaybaar casri ah) ,Qeybta Raajadda,Computerka Caafimaadka ee la saaro Xubnaha Bani aadamka,Surgeant Department(Qaybta qaliinka),TB Center iyo Qeybo kale oo la xiriira Ahmiyadaha Caafimaadka,Agaasimaha Cusbitaalka Magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar Nuur Maxamed nuur ayaa noo sheegay in Hawsha Cusbitaalku tahay mid dardar ku socota isla markaasna hadda Maamulka Cusbitaalka ee uu isagu hormuudka ka yahay keneen Cusbitaalka Qardho Takhaatiir Ajnabi ah oo ka hawgasha Cusbitaalka wuxuuna Agaasimuhu intaasi ku daray in Muddo sanad ah ay Takhaatiirtaasi Joogaan.


Muuqaalka Cusbitaalka ayaa markaad soo gasho aad u quruxbadan waxaana Dhinacyada Hospitalka ku xardhan Qeybwalba magaceeda iyadoona ay Cusbitaalka markaan tagay jiifeen Bukaano la ildaran cuduro kala duwan sida Kuwo dhaawacyo qaba iyo Kuwo kale oo qaliino kala duwan lagu samaynayo,Dr:Abdimawla Maxamed Taha waa Takhtar u dhashay Dalka Masar wuxuuna ka hawgalayay Goboladda Puntland ku dhawaad 6 sano Dr:Mowla ayaa ii sheegay inuu 5 Sano ka hawgalayay Goob caafimaad oo ku taala Magaaladda Bosaso balse hadda Muddo gaaraysa Sanad wuxuu sheegay inuu ka hawlgalayay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho.


Dr:Abdimowla Maxamed Taha ayaa iiga waramay Qaliinka uu sameeyo ee ugu badan inta uu ka shaqaynayo Cusbitaalka Magaaladda Qardho”Waxyaabaha Amergencyga ah ayaa u badan sida Shilgaari oo degdeg u dhacay hadaan joogo Gurigayga waan soo aada Cusbitaalka anigoo shaqayda Gudanaya,Qaliinka Qofka dhaawucu ka soo gaaro shil degdega sida Shilka Gaari iyoxabadda ayaan dhihi karaa waa ugu badantahay Hawshayda Qaliin ee Cusbitaalka Qardho taasi waxaa sii dheer Qaaliino kala gedisan oo Jirka aan ku samayo sida Goynta Burooyinka iyo Wixii la mida” ayaa uu yiri Dr:Abdulmawla Mohamed Taha oo ah Dhakhtar qaliin oo ka hawgala Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho(Qardho General Hospital).


Shaybaarka Cusbitaalka(Qardho Hospital Laboratory:-


Qeybta Shaybaarka ee Cusbitaalka Magaaladda Qardho sida idiin muuqata waa mid aad u qalabaysan waxaana ka hawgala shaqaale aad ugu carbisan Hawlaha(Laboratory Investigation) Shaybaarka ayaa waxaa yaala Qalab iyo Daawoyin la isugu talo galay Marka qof laga qaadayo Dhiig ama Candhuuf inkastoo uu jiro Shaybaar kale oo lagu Baaro TBda(Tuberculosis) kaasi oo yaala Qeybta TB da oo iyadu ka go’an Qeybta kale ee Cusbitaalka.


Si kastaba ha ahaate Shaybaarka Cusbitaalka Magaaladda Qardho ayaa shaqeeya Badanaa Maalintii sida uu ii sheegay Agaasimaha Cusbitaalka Magaaladda Qardho Nuur Maxamed Nuur waxaana Shaqaalaha Shaybaarka Cusbitaalku gaarayaan ku dhawaad 10 shaqaale oo ah oo xirfad u leh hawlaha lagu Baaro Cuduradda kala duwan.


Qardho TB Center:-


Xaruntani waxay ka tirsantahay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho waxaan DhismeheedaGacan ka gaystay Hay’adaha Merlin,World Vision iyo WHO iyadoona ay hadda ka hawlgalaan shaqaale dhan 9 qof,Xaruntani ayaa waxaa ay hadda Daaweysaa Dad gaaraya 75 qof oo qaba Cudurka Qaaxadda kuwaasi oo laga helay Karoojooyinka(Case of Tuberculosis).


Dr:Cismaan Xuseen cali waa Madaxa Qardho Hospital TB center waxaan kulmay Xafiiskiisa Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho ugu horayntiina wuxuu iiga waramay Hawlaha ay qabato Xaruntani “Qardho TB Center waxaa la furay 24Maarso 2009 waxaana furay Wasiirka wasaaradda Cafimaadka,Madaxda WHO,World Vision iyo Merlin ,Xaruntaana waxaa saacida hadda Merlin oo Implementationka ah,World Vision,Global Fund iyo wasaaradda Caafimaadka,Xaruntaani waxaa ka shaqeeya 9qof oo kala ah,Dhakhtar,4Shaqaale oo Nurse ah,Labbo waardiye iyo Nadiifiso xaruntaani ilaa hadda waxay Gacanta ku haysaa 75 qof oo Daawo ka qaata Subax walba”.


Madaxa Qardho Hospital TB Center Dr:Cismaan Xuseen cali ayaa Markale iiga waramay Waxqabadka Xaruntaan”Dadka TB da qaba waa la baara waxaana fiirinaaa Camdhuufta qofka Candhuufta haddi laga waayo waxaa loo dira Raajo iyadoo raajadu baarayso xanuunka Feeraha ka haya ,Baaritaankaasi ka dib qofka markii laga helo Jermiska ama Raajadda waxaa loo bilaaba Daawadda,Daawada dadkay ku cusubtahay oo aan horay u soo qaadan waxaa la siiya 6 Bilood oo daawo ah marka kaleeto oo qofku Daawo hore soo qaatay waxaa la siiyaa 8 Bilood oo daawo ah,Labba bilood oo Irabada Srapto ah iyo bilaha kale oo Daawada caadiga ah ay qaadanayan”.


“Ilaa hadda waxaan meesha ku haynaa Dad gaaraya 75 qof dad baa jira naga baxsaday Dadna meesha ayaan ku haynaa ,Dadka Candhuuftodu Positiveka tahay ee naga baxsaday waxay gaarayaan Tiro ahaan 4 qof,Caruur iyo Dad waaweyn ayaa jira oo Cudurkani hayo guryohooda ayaan ku siina”ayaa uu yiri Dr:Cismaan Xuseen cali Madaxa Qardho TB Cente