favorite links
Information about the links or groups of links shown below.
Search Engines
Favorite Sites
Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan kala warqaadanayo, isla maarkaana boorka ka jafno habacsanaan iyo gaabis indhoweeto inaga dhex muuqdaay hadaanu nahay dhalintii ku muuday hormarinta magaalada Qardho, gaar ahaan kor uqaadidda bilicda magaalaada ee ISRAAC.
Hadaan warbixin kooban inika siiyo meesha ay dhirtii mareeso iyo waxyaabaha ay hada u baahanyihiin, waa Alle mahadiis dhirtii badankeedi way baxday qaarna hada ayey meel fiican marayaa oo waxay u baahanyihiin in dhismo bulikeeti ah loo sameeyo, ka dib markii ay soo gaareen fuusooyinkii horey difaaca u haa.
Intii aynu kala maqnay wax dhir cusub ah oo aanu beernay majirin , balse waxaanu xooga saarnay sida kuwii horre aanu u xanaanayn nahayn, iyago si joogta ah loo waraabiyo isla markaana wixii kale oo ay u baahanyihiin loo qabto, arintaasu runtii maaha arin yar oo waxaa dareemikara cidda shaqadaa qabata, dhaqaale ahaan iyo shaqo ahaanba, waxaana lagu tilmaamikaa in ay tahay shaqo aad u balaaranyihiin.
Dhirtaasu waxay halkaas ku gaartay hawl aynu si wadjir ah aynu uqabanay, waxaana nalooka baahan yahay in aan shaqadii sii laba laabno si ay miro dhan u noqoto shaqadan aanu wadno oo Aakhiro iyo Adunba faa’idooyin uga helno.
Way nasoo gaartay lacagtii 1,000 dollar oo xaga America ka timi, waxaana noo timi xilli aad loogu baahnaa hadda waa taan shaqada ku wadno, waana ku mahadsayihiin raggii bixiyay iyo ku wii soo uriiriyayba, waxaana leenahay Alle miisaankooda xasanaadka ha ugu daro, waxaa sido kale 50 dollar soo diray walaalkeen Cabaas Maxamed Jamac, waana na soo gaartay lacagta sido kale waana ku mahadsanyahay.
Waxaa kale oo jira in ay Israac magaalada ka wado Jid carro tuur laga dhigayo, kaas oo ka bilaabanaya
Dabaqa indhoolka hortiisa kuna eg ceelka matoorka xorgoble, waa jidkii horay talyaanigu u sameeyay.
Waxaana horey loo sameeyay jid ku yaal xaafada Xingood oo ka bilaabnaya guriga Siciid Jiir laamiga ku eg iskoolka Imaanu-nawawi,.kharashka ku baxaya wadooyinka waxaa bixinaya UN-ka 4 hay’adood ka tirsan, waana shaqo laga wado magaaloyinka Puntland, waana barnaamij si wadajir ay u wadaan dowladdaha hoose ee puntland iyo UN.
Intii u socday waxaa lasameeyay daraasiin wadooyin ah oo ku yaal magaalooyinka waa wayn ee Puntland waxaana qandarasyada qaata shirkadaha dhismaha puntland qarkood oo Israac ka mid tahay, Israac waxay nasiib u heshay 2 wado oo mid waa tan xingood ku taal ee dhamaatay markii ay jeegareenayeen UN markii ay dhamaatay waxay ku tilmaamayn in ay tahay tan ugu wanaagsan intii wado oo puntland oo laga sameeyay, waxaana xusid mudan markii ay wadadaa dhamaatay in 18 geed aanu beernay wadadaa.
Ugu damayntii waxaan jecelnahay in dhir cusub aanu beerno, indhoweeto waxaanu ku mashquulnay xananayta tii hore xanaanaynteedi iyo dhaqaalaha oo yaraaday.
xaamid c/laahi