QARDHO U DADAAL

boga hore qorshaha  israac  israac group akhri waxqabadka hada ee israac dadaalkeda dhalinta israac waxbarashada qardho wax soo saarka qardho caafimaadka qardho sawirada waxbarashada sawirada wax soosaarka nadaafada qardho sawirada bilicda qardho sawirada dhaqanka qardho dugsiyada/iskulada shirarka israac qardho wararka oo kooban israac Guest Book Contact

nadaafada qardho oo laga shaqaynaayo ( ISRAAC )


Hawlgalkii  lagu  burburinayay bushashka ee ka socday Qardho  oo u gudbay dhismayaasha .

Waxaa maanta barqadii ay ciidamada amaanka oo wata cagaf cagafyo  waxa ay burburiyeen laba  dhisme oo ku yaalay suuqa degmada Qardho.

Dad weyne aad u fara badan ayaa maanta isugu soo baxay daawashada hawlgalkan ,kuwaas oo dareen kala gedisan ka bixinayay hawlgalkan.

Hawlgalkan  lagu banaynayo wadooyinka kuwaas  oo dhismayooyin sharci darro ah laga hirgelinayay tan iyo intii ay dhacday dawladii dhexe ee Somaliya  ayaa waxa uu  u muuqda mid dadka  badankiis ay soo dhaweeyeen marka la eego saxmada  iyo muuqaalka foosha xun ee ay u soo jiideen magaalada iyo weliba  iyada oo dhismayaashani ay xanibeen biyahii daadadka , taas oo keentay in biyuhu ayku soo jabaan magaalada ayna qasaare dhaqaale ka soo gaadho ganacsatada.

Dhanka kale  hawlgalkan ayaa waxaa shaqadoodii ku waayey  boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo nolol maalmeedkooda kala soo bixi jireyay meheradihi  la baabiyay isla markaana ka masruufi jiray boqolaal qoys ,waxayna haatan tuban yihiin wadooyinka iyaga oo ay ka muuqato sida weyn ee ay uga caraysan yihiin nolosha baagamuudada ah ee soo food saartay,ilaa iminka ma jidho wax qorshayaal ah oo maamulka daboolka ka qaaday ee ku aadan dhalinyaradan.

Hadaba hawlgalkan ayaa dadku waxa ay uga faaloonayaan siyaasabo kala gedisan,dadka qaarkiis waxa ay aamin san yihiin in hawlgalkani uu yahay mid laab la kac ah oo aan sidaas u sii socon doonin kuna yimi in maamulku uu muujiyo awoodiisa kadib markii lagu habsaday banaankii hore ee saldhiga booliska  taas oo keentay in maamulka degaanka  u qaylo dhaansado dawlada dhexe ee Puntland, halka dadka qaarkiis u arkaan in hawl galkani uu yahay mid mudo dheer la sugayay kuna yimi qorshe habaysan oo magaalada lala damacsan yahay ayna tahay in shacabku taageero weyn u muujiyo ,waxa kale oo jira qola saddexaad oo iyagu u badan dadkii uu saamaynta dhaqaale uu ku yeeshay hawlgalkan kuwaas oo u arko dhaqaale burburin maadaama   ilaa iminka uu maamulka u soo bandhigin wax qorshe ah oo shaqo abuurid ah oo loogu tala galay balse banaanka la tuumiyay.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iminka lama saadaalin karo qolada uu hawlgalkani  u rumayn doono aragtidooda.

hanaaka shaqo wanaag ee dalinta iyo waayeeylkaqardho waa himilo fiican

Custom pages can be used for any kind of content and are a great way to add information to your site.

YOUR WEB STUFF!

Custom pages can be used for any kind of content and are a great way to add information to your site.

YOUR WEB STUFF!

Custom pages can be used for any kind of content and are a great way to add information to your site.