isbedlka magaalada qardho
Qardho: Hawlgalkii lagu burburinayay bushashka oo u gudbay Guryaha
ISRAAC
@
Ururkaan waxaa ku bahoobay dhalinyaro soomaaliyeed, ku waas oo gartay wanaaga ay leedahay isku xirnaantu ,
Wadashaqaynta iyo iskaashiga , horay ayaa waxaa loo yiri ( isku duubni waa dawo kala daad sanaan waa darxumo ! Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan
Anaga oo ka duulayna xigmada horay loo yiri iyo sida aan uga jeedno dalka aan joogno waxaan door bidnay in aan isku xirnaano waxna aan wada qabsano anaga oo isku duuban , farkaliya fool madhaqdee faa,iido waa wada jir iyo is gacan qabasho,
si aan uga gudubno wax kasta oo caqabad ku noqbon karta midkasta oo ka mid ah ururka ama ku cusub wadanada qurbaha, oo inta badan dadka cusub ay kala kulmaan dhibaato fara badan, sida
U raadaanta sharciyada
La raadinta shaqada
U sheegida wadooyinka loo maro waxbarashada
Barida waditaanka gaariga
Wacyi gelinta wax kasta oo wanaagsan ka reebida wax kasta oo xun, xasuusinta diinta iyo sunada
Waxa uu ururku la shaqeeyaa golaha degaanka gobolka karkaar duqa magaalada qardho iyo barsaabka gobolka
Waxay kala shaqeeyaan dhammaan arimaha bulshada sida
Caafimaadka
Waxbarashada
Isboortiga
Hagaajita wadooyinka
Wacyi gelinta bulshada
Dhiraynta magaalada
U rurinta agab sida buugta iyo wixii la.mid ah
Nadiifinta magaalada
Waxay dhalinyartu u istaageen horu marka dadka iyo degaanka , qof walba waxaa saaran mas.uuliyad iyo waa jibaad laga rabo in uu fUiyo.
danta guud waa waajib in aan meel uga soo wada jeedsano oo aan xil iska wada saarno,
Sida aan wada ognahay dadka qurba joogta ah ee ka yimi degaanka ayaa u maqan. Meel walba waxaa kor u qaada dadkeeda,
Waxaan higsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn hanaanka waxbarasho ee hada ka jirah oo ku eg dugsiyada sare oo aan lahayn waxbarasho sare sida college ama university
Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in laraadiyo dhakhaatiir caafimaad oo ka hawl gasha degaanka,
Waxaa yaala qalab aad u casri ah waa in aan xooga saarnaa sidii aan bulshada uga faa,iidayn lahayn,
Waxaa jirah machadyo dhisan oo aan waxba lagu qaban waa in aan xooga saarnaa sidii aan ugu heli lahayn macalimiin dadka wax ku barta si loo helo arday tayo leh,
Inaga oo aan ardayda kharash badan ku bixin, oo aan dalka kasaarin waa in aan iska kaashanaa sidii aan ku keenii lahayn
Ururku wuxuu diraar u yahay in ay la shaqeeyaan dhammaan ururada ka jira gudaha oo ay ka mid yihiin
Gardo women organization
Karkaar youth organization
Karkaar community development
Kuwaas oo dhammaantood fuliya adeegayada bulshadu u baahantahay in tii ay karaan ama ay awoodaan
Wuxuu ururuku diyaar u yahay lashaqnta dhammaan qaybaha bulshada sida
Culumaa,udinka
Aqoonyahanka
Waxgaradka
Siyaasiyiinta
Haweenka
Iyo cidkasta oo rabta inay u shaqayso bulshada
Wuxuu ururku soo dhowaynayaa dhammaan afkaaraha iyo aqoon ku biirinta, dhinac kasta
Wuxuu ururku kor u qaadi doonaa wararka degaanka anaga oo lakaashan doona dad aqoon u leh iyo wariyaal madax banaan waxaad heli doontaan wixii ka dhaca ama ku soo cusboonaada gobolka karkaar oo qoraal iyo sawir ah inshaa Allah
Waad mahad santihiin
@
Maxaa qabsoomay intii aan jirnay
Waxaan dhirayney oo aan beer nay ilaa 2000 oo geed
Waxaan furnay ilaa sadex wado
Waxaan dib qashinka ka gurnay ilaa lix wado
Maxaa noo qorshe ah
In aan sii wadno dhiraynta
In aan sii wadno daedal ka idaacada